Articles

Category: warka
Published on 13 January 2013 Hits: 452
Print

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamed Cali Ameeriko ayaa shalay oo jimco aheyd booqday Xabsi ku yaala magaalada Mombasa, halkaasoo ay ku xiran yihiin Dhalinyaro Soomaali oo ku eedeysan falal burcad badeednimo.
Booqashadan ayaa aheyd mid uu ugu kuur galayay Safiirku xaalada ilaa boqol dhalinyaro Soomaali oo ku xiran Xabsiga Mombasa, kuwaasoo ku xukuman sanado xabsi ah, markii maxkamad ku taala dalka kenya la soo taagay.
Safiir Ameeriko ayaa mid mid u kormeeray goobaha ay seexdaan, xaalada caafimaadkooda iyo raashinka ay cunaan, isagoo Safiirku cadeeyay inay ka taxadari doonaan sidii ay xaaladooda mar walba ula socon lahaayeen.
Amb. Ameerika ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso sidii dhalinyarada Soomaalida ku jira xabsiga Mombasa in dalkooda la geeyo, si ay ugu dhameystaan mudada xabsiga lagu xukumay.
Ma ahan markii ugu horeysay ee Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya uu kormeeyo xabsiyada ay ku jiraan dhalinyarada Soomaalida, iyadoo sanado ka hor uu Mombasa ka sii daayay dhalinyaro Soomaaliyed oo ka tahriibayay dalkaas.

nala soo xiriir This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.