
Horumarka Somaaliya waxuu ku jiraa cadaalad , sinnaan, is tix gelin.
Markaan jalleecno dalal badan oo soomaliya kaga dambeeyey xurriyadda ee dunida saran, oo maanta ah kuwa lagu xisaabtamo, halka Somaaliya lagu tilmaamo kuwa aan dugaagta ka duwaneyn.
Somaaliya ma noqon kartaa sida , koofurta korea, maleysia, iyo kuwa la midka ah….?
So’aashaan jawaabteeda waxay noqon kartaa"Haa" iyo "Maya", gefna ma ahan inaan sidaasi u sheego, jawaabta, waayo heerka maanta la joogo, waa meeshii ay Soomaalidu is dhigtey, kuwa horumarka gaareyna waa dad ayaga meesha is gaarsiiyey.
Dowlada sida japan iyo Koorfurta Korea, ma ahan dalal leh , waxa ay soomaalida leedahay, wax walbo debedda ayaa laga keenaa, hase yeeshee waxa walbo oo ay keenaan, waxay u beddeleen wax cusub, taasi oo ah waxay xoogga saareen cadaalad iyo sinnaan, waxay raaciyeen tixgelinta caqliga qofka nin iyo ka naag.
Sidii ay u gaaraan heerkaani waxay si gaar ah oogu dadaaleen wax barashada , iyo dhisidda caqliga mase dhisin gidaarro iyo villooyin qurax badan, waayo waxay aqoonsadeen maskaxda wax dhisikarta inay tahay tan wax taqaan ee aysan ahayn tan maal bixisa oo loo dhiso guri farshan fiican.
1970kii, Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxuu furey jerdiino ku hor tiil, hotelka Naasa hablood ee No.4, hadlkiisa waxaa ka mid ahaa, " Annaga waxaan dhiseynaa dalka, dadkana ayaga ayaa is dhisaayo si automatic ah".
Maalintaa ayaan idhih" wal caksu saxiix", oo ah hadalka waa is daba marsanyahay, waxay ahayd inuu madaxweynaha yiraahdo, dadka maskaxdooda ayaan dhiseynaa , dalkana ayaga aa dhisaayo, hase yeeshee ciidankii oogu xoogbadnaa ayuu Africa ka dhisey, maxaase u dambeeyey inay ayaga asaga dib u cunaan, waayo maskax ma dhisin , derbi ayuu dhistey, intiina waa la woda dumiyey.
Taasi oo kale haddii ay dhacdo, waxay noqoneysaa , mar kale 30 sano ka dib in dalkaan dib loo burburiyo, taasi oo tan maanta ka xumaandoonto, waayo cilmiga waxuu gaarayaa in lazer lagu dagaallamo, iyo nuclear, oo ah hubka halista ah ee meenta laga cabaadaayo.
Qeybtaasi waa jawaabta "Maya" daba taagaan, hase yeeshee aan u gudbo, dhanka kale ee jawaabta fiican ee ah , "Haa" Somaliya kuwaasi oo kale iyo si ka fiican waa ay noqon kartaa.!!
Haa, waa haddii jidkii ayaga kusoo qaadatey ilaa 50 sannadood, ay annaga nagu qaadato keli 15-25 sano, waxaana lagu heli karaa , oo keliya in la dhiso maskaxda, dhallinta soo koreeyso, wiil iyo gabar ba, in jaamacd laga woda dhiso gobol walbo iyo magaalo kasta, oo ilmaheenna aysan u baahan wax barasho ay debedda u aadaan, mid walbo uu gidaarkiisa ka helo cilmiga qeybta uu ka doonaayo.
Waa in cadaaladda guri walbo gasho, oo aysan jiraan waxa maanta dalka burburiyey, anigoo ah ina habel iyo reer habel maa ina habel oo reer hebel ah, ila mid noqon karaa amase iga fiicnaan karaa!! Inay meesha ka baxdo, oo ay soo gasho maxaad taqaanaa, maxaad umadda iyo dunida ku tari kartaa oo horumar ah, kana fog cadaalad darro.
Qof walbo inuu helo waxa uu xaq u leeyahay, dhinac walbo, wax barasho , caafimaad, dhaqaale, asaga oo aan u baahan inuu marba meel u dhoofo, amase ka tego degaankiisa, si uu u helo nolol wanaagsan.
Taasi waa in laga billaabo ayada oo qof kastaa ee shaqada dowladda qabanaayo soo gudbiyo xisaab dhaqaale inta uu leeyahay markuu jagada qabanaayo, taasi oo loo saaraayo guddi soo hubiyo waxii ka jiro run iyo been.
Kii been lagu helana uu waayo shaqadaasi, si mid walbo ay dersi oogu noqoto, eex la’aan, siiba jagooyinka muhimka ah, iyo isla markaana waxii dhaqaale ee lagu helo ee gef ah, waa inay soo galaan khaznadda dowladda waayo waa maal uu wax ku leeyahay qof kastaa ee Soomaali ah, nin iyo naag, miyi iyo magaalo.
Qaanuunka waa inuu ka sarreeyo qof walbo , goorta ay dacwad noqotana waa inay dadka u sinnaadaan si cadaalad ahna loo xukumo, oo aysan noqon in la jiifayaana bannaan in la joojiyaana bannaan , garsoorahii taasi lagu helaana waa in lagu qaadaa sharci asagana qabanaayo, oo dib loogu dhiibin jago sharci ilaalin iyo hab maxkamadeedba.
aragti
nala soo xiriir This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.