Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaan muddo toddobaad kor u dhaaftay wax jawaab ah ka bixin hadalkii ka soo yeeray Garyaqaanad ka tirsan Dawladda Maraykanka:
Arrintan ayaa la xiriirta dacwad ka socota Maraykanka oo lagu soo oogey Burcad badeed Soomaaliyeed oo loo haysto dil saddex qof oo Maraykan ah oo sanandkii 2011 ka dhacay meel xeebta Soomaaliya u jirta 40-miles.
Dilkaas oo dhacay kaddib markii doon ay afduubeen burcad-badeed Soomaaliyeed uu Markab Ciidanka Badda ee Maraaykanka uu isku deyey in uu kala dhexgalo doonta iyo xeebta Soomaaliya, halkaasna ay rasaasi ka dhacday oo ay ku dhinteen saddex Maraykan ah oo saarnaa doonta la afduubay.
Qareenkii u doodayey burcad badeedda Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay saddex ayaa ku dooday in fal-dembiyeedku ka dhacay gudaha dhul-badeedka Soomaaliya (Somalia Territorial Waters oo ah 200-mile-badeed). Halka Qareenadii ku mudacayey ay ku doodeen in dhul badeedka Soomaaliya ku kooban yahay 12-miles. Maxkamaddu waxay taageertay fikradda dambe.
Qareennadau doodaya burcad badeedda ayaa ku celceliyey in fal-dembiyeedkaasi uu ka dhacay gudaha dhul-badeedka Soomaaliya (Territorial Waters) oo ah 200 maly-badeed, taas oo ay ku saleeyeen xeerka Soomaaliya ee soo baxay 1972. Sidaas daraadeedna waa in dacwaddaas lagu qaado gudaha Soomaaliya, ayey ku doodeen qareenada u doodaya saddexda loo haysto falka dilka ah.
Arrintaas waxaa Jimacaddii (Nov 30, 2012) ka jawaabey Garyaqaanad ka tirsan maxkamad Maraykan ah oo sheegtay in dacawaddaasi ay ka dhacayso Maraykanka, ayadoo sheegtay “inkasta oo qareenada difaacayey ay soo bandhigeen caddaymo farabadan oo muujinayey in Soomaaliya ay sheegatay 200-mile badeed oo ah Territorial Waters ah, haddana waxay ku guul daraysteen in ay muujiyaan in Soomaaliya ay madax-bannaani buuxda u haysato meel 40 miles u jirta xeebteeda, halkaas oo fal-dembiyeedka la sheegay in uu ka dhacay,” ayey tiri Garyaqaanaddu.
Xukuumadda Muqdisho weli kama jawaabin arrintaas, welina caddayn qayaxan kama soo saarin in badda Soomaaliya (Territorial Waters) ay tahay 200-mile badeed, xornimadeeduna ay hoos tagto Qaranka Soomaaliya, sida ku cad Qodobka 1aad ee Sharciga No. 37 ee Dhul-Badeedka Wadanka (Somalia Territorial Sea) ee soo baxay 10 –kii September 1972 waxa uu dhigayaa sidan:
Arrintani maadaama ay khusayso xornimada Dhul-badeedka Soomaaliya ayaa in badan oo Soomaali ah waxay rajaynayeen in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay caddayn doonto in ay ku dhaqmayso in dhulbadeedka Soomaaliya (Territorial Waters) uu yahay 200-mayl-badeed oo hoos yimaada xornimada Qaranka Soomaaliyeed.
Ahmed Muse Salad, Abukar Osman Beyle iyo Shani Nurani Shiekh Abrar oo lagu eedeeyey dacwad lal xiriirta dil. Sawirka: Wavy Tv
Gaar ahaanwaxay jawaab ka sugayeen Xafiiska Madaxweynaah DFS Xasan Maxamuud Calasow, golaha wasiirada ee uu ra’iisul Wasaaraha ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon iyo Baarlamaanka uu guddoomiyahay ka yahay Maxamed Cismaan Jawaari.
Burcad badeednimadu waa arrin aan ku bannaanayn shaciga Soomaaliya, halis ku ah amniga, una baahan gacan bir ah oo lala tiigsado sharciga. Balse arrinta hadda muranka ku jirta ayaa ah xornimada dhul-badeedka Soomaaliya, taas oo markii ugu horeysey taariikhda Soomaaliya ay Dawladdii KMG ahayd ee Shiikh Shariif muranka gelisey kaddib markii ay heshiis loogu yeeray Is-faham la saxiixatay Kenya, balse taas ay ka hor tegey baarlamaankii hore.
Hay’adda wararka ee AP ayaa warbixin ay hore u qortay waxay ku sheegtay: waxaa muranka arrintaas sii kordhinaya waa in dalka Maraykanku aysan ilaa hadda ansixin ama dhaqan gelin Sharciga Badaha Adduunka ee Law of Sea Treaty, inkasta oo in Maraykanku ay sharcigaas ansixiyaan ay ku baaqeen hoggaanka Militariga Maraykanka, ganacsatada iyo maamulka Obama.
Qareenka difaacaya (Soomaalida) waxa uu ku dooday in arrintaasi macnaheedu yahay in Maraykanku uusan adeegsan karin (ama cuskan karin) sharci uusan isagu ansixin si markaas uu u qararro dhul-badeedka Soomaaliya.
Halkan ka akhri warbixintii hore ee dacwadda
nala soo xiriir This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.