Maxaa ka jira in Shariif Xasan uu la Wado Dowladda Kenya in dib loo soo Nooleeyo Heshiiskii Badda Soomaaliya
|
Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale... |
Guddoomiyihii hore ee Barlamaankii ku meel gaarka ayaa wararku tibaaxeen in xiligan uu si weyn ugu hawlan yahay sidii heshiiskaas dib loogu ambaqaadi lahaa isla markaana loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii hore ee baaxad weyn oo dhul-Baeedka Soomaaliyeed ah looga iibiyay dalka Kiinya, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in shidaalku uu ku badan yahay dhinaca Xadka Biyaha Soomaaliya halkaasoo si weyn ay u dananayso Xukuumdda Kiinya iyo waliba shirkadaha dalka Norwey.
Si kastaba Su’aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah sababaha keenay in Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan uu sida deg degta ah ugu ambabaxo dalka Kiinya isagoo aan xitaa wareejin Xilkii Guddoomiyanimada Barlamanka iyo doorka uu ku yeelan karo Heshiiskii Badda Soomaaliya lagu bixinayay Xilligii uu Guddoomiyaha Baarlamanka ahaa.
Shariif Xasan oo shaley dib ugu soo laabtey ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr oo ahaa shaqsigii uu Shariif Xasan uu doonayey in uu ku soo baxo Gudoomiyaha Baarlamaanka, balse waxaa aqlabiyad ku qaadey Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo isna lagu tiriyo nin ay si aad ah isugu dhow yihiin Dowladda Norway, waxaana Shariif Xasan la weydiiyey in uu jiro warakii ku saabsanaa in dib loo soo nooleeyo Heshiiskii Badda waxaana uu ku jawaabey:
“War Anigu ma ihi Madaxweyne, Raiisul Wasaare iyo Gudoomiye Baarlamaan ee waxaan ahay Xildhibaan caadi ah, marka ma jirto sabab aan Kenya uga wada hadalno arrimahaas, marka waxaan idiin sheegayaa in Kenya aysan rabin dhul iyo Bad Sooomaaliyeed, marka wararkaasi waa kuwa aan sal iyo Raad lahayn”.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it. This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.