
HORDHAC:
Dhammaan ummadda Soomaaliyeed salaan ayaa abwaanku u dirayaa. Gabayga DAREEN QARAN wuxu ku yimi dood dhex martay abwaanka iyo nin ay saaxiibbo yihiin oo la yiraahdo Ducaale. Ducaale oo ah nin aamminsan fikradda kala qaybinta dalka, ayaa wuxu abwaanku kaga hadlayaa gabaygan. Si kasta ha ahaatee, abwaanka ayaa ducaale dareensiinaya in kala tagga iyo kala qoqobka Soomaali ay ka wacan tahay ‘gacmaha oo la isqabsado’. Akhirso gabayga ama dhegeyso isagoo cod ah. Mahadsanidin.
Halkan ka dhegeyso gabayga:
Wuxu yiri:
Dareen qaran Ducaalow haddaad duule garanaysid Dubaakhayga waa waxay murtidu uga darroortaaye Aan dareersho maantana midkay dihatay laabtaydu Soomaalidu dad qudha weeye oon kala dibboonayne Dalkeeduna ma kala go’i karo daa’im abidkiise Dawlad weeye calanloo cidkale lagala doodayne
Dusha Raascasayr iyo illaa dacalka Kaambooni Dabka saylac iyo xeebta bari Waamo darafteeda Dar weeyaan walaala ah dhammaan duul mataanaahee
Ninkii goonni wax u doonayoow dawdarbaa tahaye Dalku waa dalaan kala go’ayn daa’im abidkiise Dadkeennuna makala maarmi karo waa ul iyo dire Dakanooyinkii dhaca kolbaa laga dawoobaayee
Daabaan xigaal ihi koluun ways durqumayaane Carrabka iyo labadiisa daan baan isdeyn karine Warhooy daa’imaan taa garane deyrka wada jooga
Afartaa daliilkiisa gabay daw maku hagaajay Ma digsiiyey hawraari waa inay ku deeqdaaye Xaqu daalac weeyee miyaan dacal ka dhaafsiiyey
Damiin baan wax dhaadayn kolkay talo dalluuntaaye Damiirkii dhintaan laasimayn aakhiraa darane Qarannimada duuggeedu waa dun iyo shaalkiiye
Iskuduubni baa lagu noqdaa dawlad waafiyahe Kolkaan kala didnee qolaqolada la isku daaweystay Sidii duur jajabay bay haddeer daafta wada taallee
Walaalaha Hargeysee la duday dakhar la gaadhsiiyey Buntlaanta doog hore qalbigu wada dillaamaayo Iyo Xamar duruufaha ka jira waysku wada daabe
Dullinnimada loo baday kolkaan dooxnay qarankiiye Duulba dhan u dabayl raac sidii deero iyo cawle Keenyaan dayuus iyo Amxaar bayna daakhilaye
Sidii Debec nin lihi daayacoo bahal ku soo duuley Oo duubi weynoow libaax daacay hilibkeeda Dugaaggii ku soo shiray lafihii bay ku diriraane
Afartaa daliilkiisa gabay daw maku hagaajay Ma digsiiyey hawraari waa iany ku deeqdaaye Xaqu daalac weeyee miyaan dacal ka dhaafsiiyey
Sidii dumar la wada qabo amay dani collaysiisay Dubbihii masayrkii qalbigu cadho dekaamaayo Dalandoolka Soomaaliduna cadow ka diimmoone
Deriskii ku neceb baa xantaa laga dabooshaaye Waxay sii dicleeyaan Addis darista Nayroobi Shisheeyuhu dur iyo daabac hele dagantidoodiiye
Dadnimooy ba’, garashooy dantaa, daacad odaygeeda Della mala aadmiga midaan dawga garanayne Dariiq qudha kolkay wada martay libin ku daanshoone
Afartaa daliilkiisa gabay daw maku hagaajay Ma digsiiyey hawraari waa inay ku deeqdaaye Xaqu daalac weeyee miyaan dacal ka dhaafsiiyey
Calammada direyka ah nafluhu daacad wada moodi Wada diillinlaha daarihiyo deyrka laga taagay Mara weeye aan damac lahayn iyo duleed yaallee
Raggii calanka dookiga ahee quruxda loo daayey U dagaallamee gobannimada cadowga daadduunshey Miyay deeqsigii Timacadiyo dayriyeen Xalane
Sayidkii wuxuu guluf u dumay dooyada u qaaday Dulmadoobe iyo Beerdhigiba weerar ugu daahay Duullaan gumeyate ah inuu naga dulqaadaaye
Maalintay duleedsheen Darwiish daacadoo diriray Diyaaradiyo danabkii madfaca lagu diqaynaayey Dibbay uga shallaayeen kuwii dilay walaalkoode
Dersinkii xorriyaddii ninkii doonayaa garane Diirkii SYL iyo qaran daanno badidiiisa Qof damiir leh baa garayee doqoni waa mooge
Email: This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
nala soo xiriir This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.