Laantii Rajo La’aanta [Qalinkii Maxamed Xaaji]
May 26th 2012 · 8 Comments
Gothenburg ( DHM-News ):- Cinwaankan LAANTII RAJA LA’AANTU wuxuu igu dhashay markii aan arkay muuqaalka sawirka gabar yar oo saqiir ah oo Soomaaliyeed oo sidii shimbirtii dul saaran laan qalashay oo ku taalla bartamaha dhul omos ah oo marka aad eegto xitaa aad oomayso iska daa qofka dhex jooga hanfigaase.
Gabadhan yar ee bilaa dembiga ihi sida caruurta kale ee caalamka waxay xaq u leedahay HOOY, HUNGURI iyo HU’, WAXBARASHO, ADEEG CAAFIMAAD , MEEL AMAAN AH, MUSTAQBAL CAD iyo MEEL AY KU CIYAARTO iyadoon madfac ka dul ciyeeynin laakiin nasiib xumo gabadhaasi waxay ka mid tahay boqollaalka kun ee Soomaalida ah ee ku dacdareeysan xerada qaxootiga DHADHAAB oo ah tan ugu wayn caalamka.
Waxaan soo majeersaday muuqaalka xanuunka badan ee meesha iiga muuqda iyo cida uu masiirkeedu gacanta ugu jiro ee ay gabadhani uga fadhido inay gurigeedii ku laabato oo nabad ku ledo, cidda ay ahayd inay ka shaqeeyso maslaxadda miskiintan yar, balse markii aan dhinacyada eegay waan xoogaa niyad xumaaday .
Waxaa iisoo baxay RAG kursi doon ah oo danahooda ku foogan + SHACAB dantoodii dhacan tahay laakiin dadkaa danaysanaya u kala diran oo isku dilaya waa DIRACYO iyo waa DOQOMO iyo dunidii (Beesha danaysiga caalamka) oo dabka iskugu dhiibaya illeen doqon looma gargaaree.
MAHATMA GANDHI oo ahaa filasuuf nabada jecel, halgamaa aan hubaysneyn iyo gayfane cadaaladeed ayaa laga hayaa ’’HADII XUMAANTA XUMAAN LAGU QAABILO GOORMAY DHAMAANAYSAA XUMAANTU?’’.
Waa su’aal waaqici ah oo ay tahay inaan is waydiino SOOMAALIYEEY maanta 21 sano ayaa laga joogaa markii ugu dambaysay ee aanu lahayn wax dowlad lagu tilmaamo balse waxay u egtahay inaynaan weli fahmin halka fashilku inaga haysto.
Waa mare 1884-kii waxaa dalkeenna la qaybiyay inagoon war iyo wacaal toona u haynin balse maanta waxaan qaybsanahay anagoo og in maaalinba maalinta ka dambaysa lasoo saxeexayo heshiisyo taariikh madoow u horseedi doona/kara dalkeenna.
Waa marka 2-aade in SAQIIRADDAA laanta bilaa rajada ah lagasoo dejiyo sidee ku iman kartaa..?? Ma waxay ku imanaysaa in dalkeedii loo kala sameeyo calallo astaamo kala gooniya ah, dowlado kala gooni ah iyo xuduudo qabiil.??
Mase waxaa looga bixi karaa qorista dastuur lagu halbeegay danta 3 ilaa 4 nin inagoo og in dastuurku khuseeyo 10-ka milyan ee lagu qiyaaso Soomaalida Soomaaliya.??
Ilaah baan idinku dhaariyee ma sidii GOROYADII ayaad doonaysaan inaad madaxa ciida ku aasataan iyadoo duudkiina loo jeedo..?
Halkee dunida lagu arkay DOWLADO ISKU DHEXYAALLA, KALA DASTUUR AH, KALA XUDUUD AH, KALA ASTAAN AH, KALA JINSIYAD AH MISNA ISKU DAL AH..??
War Ilaahiin ka baqa oo hadaydnaan xaajadan miliqsan waxba ka qaban karin ha isku dirinina shacbiga masaakiinta ah oo had iyo jeer ku hoobta hadimooyinka aad u qodaan.
NIMANKA JAAKADAHA MADOOW.!!
Nimankiinan jaakadaha madoow ogaada inay aduunyadu kedo badan tahay oo ay insaanka sireeysay ilaa maalintii la abuuray oo ogaada illeen idinkaa maanta mas’uuliyad sheeganayee waxa looga baahan yahay qof mas’uul ah.
Mas’uul micna ahaan waa kii wax la waydiinaayay marka haka il duufinina malaayiinta ay siyaasadiinu saameynta xun ku yeelanayso ogaada in qof qof la idiin waydiinayo oo aysan idinka saareynin lacag baan urursanayay, Road Map baan saxeexayay iyo reer hebel baan iska riixayay.
Ogaada in aayihii Soomaaliya uu laantaa qalalan saaran yahay maantana aad haysataan fursad dahabi ah oo aan la hubin inay maalin dambe soo noqon doonto.
JIDKII QODXAHA BADNAA..!!
Maanta waxaan cago badan ku taagnayn AL SHABAAB oo u muuqda kuwo meertadoodii dhamaatay laakiin ogaada maalintii ay imanayeeen waxay meesha ka saareen HOGAAMIYE KOOXEEDYADII oo laftooda qaati laga joogey siyaasadoodii ZIGZAAGA ahayd.
Ha iloobinina in HOGAAMIYE KOOXEEDYADA laftoodu dhaxleen SIYAAD BARRE oo maalintii uu baxayay la lahaa waa laga raysan doonaa laftiisuna wuxuu bedeley dowladii rayidka ahayd oo musuq iyo qabyaalad lagu eedeeyey hadaba maxay waxaas oo dhami u fashilmeen.??
Is waydiiya su’aashaas yaa mar kasta afduuba kacaannada iyo kacdoonada Soomaaliya ka dhaca jawaabtu way sahlan tahay ee ka eega halbeegeenna caanka ah ee aan u cuskano inaan wax taageerno iyo inaan diidno intaba kaasoo ah ’SANAMKEENA’ caanka ah ee ’QAYBAALAD’ oo sanad kasta dhasha laba mataanood oo ah JAHLI iyo FAQRI taasoo illaa la gowroco aysan gabadhaa yari geedka kasoo degi doonin.
Hadii aan sida kale u iraahdo nin kastaahi wuxuu cadaalad, horumar iyo wanaag ka hadlaa inta uu banaanka joogo laakiin marka uu kursiga ku dangiigsado waxaa si OTOMAATIG ah maskaxdiisa uga tirma mabaadii’dii LAAB LAKACA ahaa ee uu dadka ku siri jirey.
RAQBA WAA KU RAGEEDE maanta Soomaaliyi waa bislaatay waxayna raadinaysaa qofkii ay siin lahayd BILAD SHARAF abadi ah oo lagu liibaanayo ADUUN iyo AAKHIRO ogaadana waa tii la yiri ’LIBAAN NIN GANAY IYO NIN GALADAY KALA GARAY’’ Marka yaysan idinka hoos bixin hanti la ururiyo ABUU THACLABA iyo QAARUUN ayaa ku halaagsamey ee nimanyohow dalka u shaqeeya haka shaqeeysaninee….!!!
Waxaan la hadlayaa NIMANKA JAAKADAHA MADOOW…….Gabadhaa yari GEESI GALLADEEY U
nala soo xiriir
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.