Ugu horrayn waxaan idiin sheegayaa waxaan ahay qof soomaaliyeed oo ku nool gobolka bari, waxaan aalaaba akhriyaa qoraallada la soo galiyo mareegaha ku ab tirsada baraarugga islaamka soomaaliya, waxaan in badan is waydiiyay dadka mareegaha qaarkood wax ku qoraa waa ilma ayo, yaa dhalay, xagee lagu dhalay?, dhalmada ulama jeedo tii dhabta ahayd iyo haybtii abtirka aabayaal iyo awoowayaal, waxa aanse ula jeedaa goormay wadaaddo noqdeen, madarasadee ayay ku abtirsadaan, yayse hadda u shaqeeyaan?.
Dhab ahaan intuba waa su’aalo u baahan in si fiican loo dhuuxo, aad iyo aadna loo lafo guro, loona helo jawaabo ku filan in la ogaado dunta iyo macdanta dadkaas iyaga ah, waxay culimdu yiraahdaan لولا السند لقال من شاء ما شاء ) ( haddaan sanadku jirin qof walbaa wuxuu oran lahaa waxa uu doono, sanadkuna waa abtirka cidda hadalka oranaysa si loo kala hufo warka dadku ay sheegayaan oo midna u noqdo mid nabad galay oo caafimaad qaba midna mid balaysan oo xanuun ka muuqdo, waa wax ay aad u yaqaannaan Culimada xadiisku.
Waxaan is waydiiyaa dadkaani waa summad laawayaal astaan ka dhigtay Abu-hebel, waa waxa luqadda afka carbeed loo yaqaan (كنيه) oo ah in la yiraahdo hebel ama heblaayo aabihiis/aabeheed ama hooyadiis/hooyadeed, waa halka soomaalidu ka jeceshahay ina hebel ama ina´hebel oo gabar ah, laakiin haddii kunyada aan soo sheegay oo ay carabtu jeclayd, Islaamkuna sunneeyay ma lagu kaaftoomi karaa haddaan la aqoon abuugaas ama ummudaas haddii aan la helin aqoon dhamays tiran oo ah mid haybeed, mid dhaqan iyo akhlaaqeed iyo waliba mid caqiidaba, waxay ila tahay in qof walba oo aqoon leh mid diineed iyo mid kaleba in ay jawaabtu tahay maya laguma kaaf toomi karo.
Waxaa intaa ka sii daran waxay ka warramayaan taariikh waxayna oranayaan anigu goob-joog ma ahayne saas ayaa warku igu soo gaaray, haddaan khaldanahayna waa lay sixi karaa, hadalkaas waxaa yiraahda dad badan oo nooca aan ka warramaya ah waxaase la yiri mayd maxaa u dambeeyay saa la yeen kaas la sii sido bal oraahdaan ka eega awga isku naanaysay Abu-Ibraahim ee leh qormada uu ugu gar naqayo Culimo uu u kala bixiyay Culimada Al-shabaab iyo Culimada Al-ictisaam, oo waa yaabe haddii aanay hubin warka ay sheegayaan may soo hubsadaan illeyn Hubsiino hal baa la siistaaye, (كفى بالمرء إثما أن يقول بكل ما سمع) waa oraah laga soo guuriyay Nabigeenna Muxamad ah Salawaatullaahi wa salaamuhu calayhi, macnaheeduna yahay waxaa qofka dambi ugu filan inuu sheego wax walba oo uu maqlo, waxa aanse is leeyahay waxaanu waa baroortu orgiga ka wayn, una malayn maayo xitaa haddii la saxo in qaarkood ay qaadanayaan.
Sidoo kale waxa ugu horreeya ee ay duminayaan waa Culimadii laga soo aflaxay ee dadka soomaalida ah baray Tawxiidka, ku dhaqanka Qur’aanka iyo Sunnaha, Xijaabka, Akhlaaqda toosan iyo u hardanka in loo hardamo soo celinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka, gaar ahaan waxay aad ugu dadaalaan inay maryaha ka dhigaan madarasada Salafiga ah Culimadeeda.
Waa yaabe waxay wax walba ka dhalaalinayaan cayda culimada. Waa yaab iyo amakaag markaad akhridid iyagoo mareegahooda ku soo qoraya “gaal fahmay dhagarta lagu hayo muslimiinta iyo Culimada Ictisaam oo gaalada wali daba ordaya”, waxa aan anigu u qaatay in ay tahay hawl ay ka wada shaqaynayaan qofaf, kooxo iyo dawlado, maxaa yeelay kuwaan aan ka hadlayo iyo Gaalada kuwooda sameeya ra’yiga waxay isku waafqsan yihiin in madarasada Salafiga ah ama waxa ay ku naanayseen wahaabiisimka in ay isku si ula wada dagaallamaan.
Waa yaabe maxaa isku hawl ka dhigay ayagoo isu muujinaya inay dirirsan yihiin! bal adba, hadii aysan ahayn sidii ninkii habartu lagaddey ee yiri anoo gunti xun, meeshoo sibsib ahayd iyo habartoo sinsaaryo taqaannay ayaa kulmaye habartu ima lagaddeen, hadda gaaladii oo wahaabiisimka la dirirsan iyo abuuyada oo wahaabiisimka mujaahidiinta ka difaacaya ayaa kulmay malaha.
Intaba waxaa igala yaab badan Abuuyadu iyagoo Halkable miiran ah ayay suugaan isla soo mutuxaan ay gabay u wada baxsheen bal dhagayso mid yiri saar baan tirinayaa laakiin bayd toosani uusan ku jirin marka laga reebo baydka rakaadda ah ama dhextaalka ee ah ma maqasheen maalmahaan, ma aragtay Abuu-Faadumo oo isna yiri tixbaan tirinayaa mise waa mid jaban iyo mid jiis ah, laakiin Cubtan ayaa intay samada ka keentay laf dhabar, biixi iyo addin is dhaaf ah jabisay, waxaa laga yaabaa in lays waydiiyo maxaa loola jeedaa Halkable, Halkable waa eray soomaali guun ah ka haray oo ah kan aan maanso ruugga ahayn laakiin is ka dhiga maansayahan birta calashaday.
Illeen af laba daan lihi hadal kama daalo, waxaa saacad walba la soo qoryaa ama giraan lagu soo qabanayaa hadal aan nuxur lahayn oo iga gee ah, laakiin loo ekaysiinayo loo qaateen inta loo sameeyo cinwaan dhiigu ka da’yo, waxaa lagu soo cayiliyaa war aan la hubin mid been ah oo iska cad haddii aynaan is yeelyeelayn waa wax qof walba oo caqli in yar ka lihi uu garan karo laakiin waxaad mooddaa in aynu noqonay dhagaystayaal iyo waliba akhristyaal diimoon oo ah mooganayaal aan dareen iyo dadnimo lagu ogayn, waayo Abuuyada aan la hayb aqoon iyo Culimada waawayn ee aynu cilmiga ka baranay ee hebellada aad wada taqaanaan ah ayaynu u nahay dhexdhexaad amaba Abuuyada aynaan aqoon tolow ma caddaan baa mise waa madow ayaynuba la safanahay.
Garta abuuyadu fureen
Gorfaynaayaan ilmuhu
Gabgabta iyo orodka iyo
Hadba geed fuulka iyo
Garnaqsiga kali ahaan
Go’aankay gaarayaan
Gargayrtay caayayaan
Ma gar bay idin la tahay?
Anaa gaylamahayoo
Diintana gargaarayoo
Gaalada hor jooga oo
Gaashaan aan jabin marnaba
Waxaan ahay geesi wayn
Muslinkii i gees marana
Inaan gawracahayoo
Unuunkana aan goyn
Masjidkaba haba galee
Akhyaareey waa gamuur
Ogow mana aan galdi’in
Ma gar bay idin la tahay?
Culimadii waa gaftoo
Dhulkay wada gooshayaan
Qamiisyay gashan yihiin
Mana gaagaab sadaan
Gaaladay jecel yihiin
Annagana gaaladaa
Garaamahayaga qabtoo
Gurboodkana noo hayoo
Guryo wacan noo dhigoo
Gacal bay noo yihiin
Mana aanaan gafine
Gar baannu ku taagan nahay
Ma gar bay idin la tahay?
La soco qormada xigta.
Murriyo Cali Max’ud
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
nala soo xiriir This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.